Waxaa hadda Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmay Kulanka 2-aad ee kalfadhiga 4-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Kulanka waxa shir guddoominaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan,waxaana goobjoog ka ah kulanka 168 Xildhibaan.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay kulankooda uga doodayan xaalada amni ee dalka gaar ahaan amniga Muqdisho.
Sidoo kale kulanka waxaa goobjoog ah Guddoomiye ku xigeenada koowaad iyo labaad ee Golaha Shacabka.