Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa maanta gaaray wafdi uu hoggaaminayay Taliye ku xigeenka ciidanka Nabad ilaalinta AMISOM Jen Charles Giiwai,iyada oo halkaasi siweyn loogu soo dhaweeyay.
Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee dowlad Goboledka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa kulan la qaatay Taliye ku xigeenka ciidanka Nabad ilaalinta AMISOM Jen Charles Giiwai iyo wafdi uu hogaaminayo .
Kulankan Jubbaland iyo AMISOM dhex maray oo ahaa mid ay Saxafaadda dibad joog ay ka ahayd ayaa intiisa badan waxaa looga hadlay  hawlgalada ciidanka AMISOM iyo qorshayaal la doonayo in Al-Shabaab looga saaro deeganada ay ku sugan yihiin ee Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.
Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ee uu hoggaaminayay Taliye ku xigeenka ciidanka Nabad ilaalinta AMISOM Jen Charles ayaa waxa ay sheegeen inay ka go’an tahay inay ka qeyb qaataan holwgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.