Sawirro:-Al-shabaab oo soo Bandhigay Meydadka Askar iyo hub

Al-shabaab ayaa Goob fagaare ah oo ku taalla Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa ay kusoo Bandhigtay Meydad ay sheegeen inay yihiin Askar ka tirsan Ciidanka Jubbaland oo dagaal lagu dilay.

Al-shabaab ayaa sheegtay in dagaalka lagu dilay Askarta ka tirsanaa Ciidanka Jubbaland uu ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo gaar ahaan deegaanka Baar Sanguuni, iyadoo dagaalkaas uu yimid kadib markii weerar ku qaadeen halkaas.

War qoraal ah oo lagu faafiyay barahood Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen inay gacanta ku dhigeen Meydadka 5 askari iyo hubkii ay wateen, kuwaasi oo lagu soo bandhigay Jamaame.

Dhinaca kale weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Maamulka Jubbaland oo ay uga hadlayaan Meydadka ay soo Bandhigtay Al-shabaab, kuwaasi oo ay ku sheegeen inay yihiin Askar ka tirsan Jubbaland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media