Galmudug iyo Dowlad deegaanka Soomaalida oo heshiis hordhac ah gaaray

Maamulada Galmudug iyo Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiyaha ayaa yeeshay kulan ay oga hadlayeen dagaalo laba beelood ku dhexmaray xadka ay wadaagaan 6dii bishaan oo sababay qasaaro kala duwan.

Kulankaan waxaa dhanka Dowlad goboleedka Galmudug hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Galmudug Duraan Xasan Samatar, waxaana ku wehlinayay Wasiiro, Xildhibaanno ka tirsan Galmudug, taliyaha Nabad sugidda Galmdug iyo saraakiisha ciidanka 21aad, xubno ka socday Maamulada Caabudwaaq, Dhabad iyo Cadaado waxaa shirka looga hadlay xalinta xiisad lixdii bishan ka dhacday xadka Soomaaliya iyo Itoobiya, halkaasi oo ay ku dagaalameen maleeshiyo beeleedyo labo beelood oo walaalo ah.

Dhanka dowlad Deegaanka Itoobiyaha waxaa shirka looga uga qeyb galay hogaanka Nabadgelyada waxaa inta uu shirka lagu guuleystay in lakala qaado maleeshiyo beeleedyadii xadka ku dagaalamay.

Madaxda labada dhinac ayaa isku afgartay inay isugu soo laabtaan wajiga 2aad ee shirka dib u heshiisiinta beelaha Walaalaha ah ee ku dagaallamay xadka, si xal waara looga gaaro waxyaabaha keenay iska hor imaadka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media