Sawiro:Gaari ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa iyo Ragii Waday oo Boosaaso lagu soo bandhigay

Ciidamada Maamulka Puntland ayaa Gacanta ku dhigay  Gaari waxyaabaha qarxa sidda oo ladoonayey in lagaliyo gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari Puntland.

Ciidamada ayaa soo bandhigay Gaarigan oo sidda waxyaabaha qarxa, waxaana laga badbaadiyey Shacabka Soomaaliyeed ee kunool magaalada Boosaaso sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidamada Puntland.

Sidaas oo kale waxaa gacanta lagu hayaa wadihii baabuurkan iyo shaqsiyaad la socday oo ay hadda baaris ku wadaan Ciimada.

Lix sanduukh oo lamid ah sanduukhyadii qaraxyada dhawaan la qaban jiray lagu wadey oo lagu diyaariyey qaraxyo, dusha saarana laga saaran bambooyin, taarikooyin gaadiid ,isgaarsiin casri oo noocaya ay ciidamadu isticmaalaan ah iyo agabyo kale ayey isugu jireen qaraxyada la qabtay,waxaana laga qabtay kantaroolka weyn ee magaalada Boosaaso.

Sawiro

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media