Sawiro:-Xukuumadda Soomaaliya oo diyaarineysa Saraakiil baareysa dadka isticmaalaya dukumintiyada been abuurka ah

Saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo gaaraya 6 sarkaal ayaaa Maanta waxaa tababar loogu diray magaalada Moshi ee Dalka Tanzania.

Tababarkan ayaa socon doona 26 February ilaa  02 March 2018,iyada oo lagu baran doono hubinta dukumintiyada been abuurka ah iyo kala saarida dadka wata basaboorada isku e-kaanshaha ah (imposter).

Ku xigeynka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Ibrahim Xuseen oo sii sagootiyay saraakiishaan ayaa waxa uu kula dardaarmay in ay si wanagsan u soo bartaan tababarka loo diiray oo ah mid muhiim ah oo looga hortagayo in dad wata dukumintiyo sharci daro ah ay ka dhoofaan dalkeena.

Hoos Ka Daawo Sawirrada Sagootinka Saraakiisha.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media