SAWIRO : Xiisad ka dhex Taagan Amisom iyo Maxkamadda Ciidamada kadib askari Ugandes ah oo Xabsiga lo diray

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa xabsiga dhigtay askari ka tirsan Ciidamada AMISOM oo lagu magacaabo  CONSTABLE BRONGO JOHN BEBWA

Askrigan oo 27 air ah waxaa u dhashay dalka Uganda waxaana uu ku dhashay  MASINBI IN bariga UGANDA sida maxkamada ciidamada faafisay .

 

CONSTABLE ayaa darawal ka ahaa Gaari nooca TAAW  Taargo Nom. AU 106650  .   kaas oo  09/04/2017  gaari uu waday jiiray marxuum CALI CISMAAN ABBA SHEEKH   ina LUUL XAAJI 32 JIR AHAA  sida maxkamada faafisay .
Gudoomiyaha maxkamadda Ciidamada Qalabka sida  Col. Shuute ayaa sheegay in uu xirnaan doono Askariga ilaa laga helo xaqii uu lahaa  muwaadinka shilka ku geeriyooday .

Shilalka AMISOM ayaa hada u muuqda mid xisaabtan ay la daba joogto dawladda taas o farxad galisay shacab badan.

Dhinaca kale Amisom ayaa dalbaneysa in CONSTABLE ay ku maxkmadeeyaan Xalane ama dalkiisa lo celiyo oo halkaas maxkamada lagu saaro.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor