Shabakadda Wararka ee Kooxda Liverpool FC ee dalka Britain ayaa lagu soo qoray in dhaawaca Ciyaar-yahankooda Maxamed Salaax uu yahay mid aad u culus, kadib, markii uu xalay ku dhaawacmay Ciyaartii Liverpool iyo Real Madrid ku dhex martay Caasimadda dalka Yukrayn ee Kiev.
Maareeyaha Kooxda Liverpol, Jürgen Klopp ayaa xaqiijiyey inuu dhaawaca Maxamed Saalax yahay mid aad u culus.
Ciyaaryahanka waxa uu ka dhaawacmay Garabka Bidix, xilli ay ciyaartaasi socotay muddo 30-daqiiqo ah, kadib, markii ay isku dhaceen Kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos.
Sida la arkayey Sergei Ramos waxa uu u muuqday mid ku dhegan Gaacanta Maxamed Salaax, ilaa ay isku garab dhacayeen.
Garsooraha ayaa iska indha-tiray gacan-qabashadaasi oo uu Kabtanka Real Madrid ku muteysan lahaa Kaarka Jaallaha, balse Garoorsaha waa uu il-duufay.
Taageerayaasha Liverpool ayaa rumeysan in uu Sergei Ramos si ku-talagal ah u dhaawacay Ciyaar-yahanka Reer Masar ee Maxamed Salaax.
Isku-day lagu doonayey in dhaawaciisa lagu dhex daaweeyo Garoonka ayaa lagu guul-daraystay, waxaana Ciyaar-yahanka loola cararay Isbitaal ku yaalla magaalladd Kiev, halkaasi oo dhaawaciisa la saaray Raajo (X-Ray).
Maareeyaha Kooxda Liverpol, Jürgen Klopp oo Saxaafadda la hadlay ayaa yiri: “Waa dhaawac culus, runtii waa dhaawac aad u culusâ€.
Waxa uu intaasi ku daray in Maxamed Salaax la dhigay Isbitaalka, si Raajo loo saaro.
“Waa laga yaabaa inay tahay Kalxanta ama Garabka naftiisa, uma muuqanin mid fiican, waa sidaas†ayuu yiri Maareeyaha Liverpool.
Ciyaar-yahan Maxamed Salaax oo 25-jir ah waxa uu dhaawacisia u muuqdaa mid usuan kaga qeyb geli Karin Ciyaaraha K/Cagta ee Koobka Adduunka oo lagu qaban doono Raashiya.
Tartankaasi ayaa bilaaban doona wax ka badan 2 isbuuc kadib ama 18-maalmood kadib.
Xulka Masaarida waxay ciyaartoyda Koowaad la ciyaari doonaan Xulka dalka Uruguay oo dhici doonta maalinta 2-aad ee UU Tartankaasi furmo.
Waxaa jira su’aalo malaayiin Dollar ah, waxaana la saadaalin Karin muddada uu Ciyaaryahanku ka soo kaban doono dhaawaca Garabka.
Khubarada Caafimaadka ayaa sheegay inay 12 ilaa 16 isbuuc ku qaadan karto inuu ka soo kabto dhaawacaasi.
Dhinaca kale, Daaficii hore ee Kooxda Liverpool, Jamie Carragher oo garabka ka dhaawacmay cilli-ciyaareedkii 2010-kii ilaa 2011-kii, waxa uu dhawaacaasi kaga soo kabtay muddo 2 bilood ah.
WQ. Ustaad Nuradin