Hadal ka soo baxay Boliska ayaa la sheegay inuu dab xooggan ka kacay Isbitaalka SUM Hospital oo ku yaalla Degmadda Buhubanswar ee Gobalka Odisha.
Dabkaasi oo ka dhashay Cillad Koronto ayaa waxaa kaloo ku dhaawacantay in ka badan 40 qof, kuwaasi oo lagu daaweynayo Qeybta Daryeelka Gaarka.
Saraakiisha waxay ka digeen inay Dhimashaddu sii kordhi karto, maadaama ay jiraan dad aad u gubtay oo xaalladooda laga dayrinayo.
Taliyaha Boliska Degmadda Buhubanswar, Yogesh Khuraniya ayaa sheegay in inta badan dadkaasi u geeriyoodeen Cabur ay ka qaadeen Qiiqa ka dhashay Ololka Dabkaasi.
Waxa uu intaasi ku daray in la soo samata-bixiyey 500 Bukaan, halka in ka badan 100 kalena loo wareejiyey Isbitaalo kale si loogu fidiyo Adeeg Caafimaad.
Kooxaha Dab-damiska ayaa la sheegay inay muddo 5 saacadood ku qaadatay sidii ay dabka u damin lahaayeen, una soo badbaadin lahaayeen Bukaanadda ku go’doomay Isbitaalkaasi oo ay yaallaan Kun Sariiraha Bukaanadda.
©Radio Dalsan