Sawiro:-Taliyaha Ciidanka Booliska oo kormeer kedis ah ku tagay xarunta Gaadiidka Booliska

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Xarunta gaadiidka Ciidanka Booliska, waxaana uu u kuur galayey sida ay u socdaan howlaha shaqo ee halkaasi ka socda.

Taliyaha, ayaa mid mid u soo indho indheeyey dhammaan qeybaha ay ka kooban tahay Xaruntaan, isaggoo xog wareystay Saraakiisha iyo Ciidanka ka howl gala Xarunta gaadiidka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed,.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa kordhiyey kormeerada kediska ah ee uu ku tagayo Xarumaha iyo fadhiyada ciidanka Booliska Soomaaliyeed, si loo dardar geliyo shaqada Ciidanka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media