(SAWIRO): Taageerayaasha Tottenham iyo Arsenal oo ku dagaalamay jidadka White Hart Lane.

Taageerayaasha Labadaasi Kooxood ee uu xifiltanka ka dhexeeyo ayaa la sheegay inay galabta gacanta iskula tageen Waddooyinka ku hareeraysan Garoonka White Hart Lane ee Waqooyiga London.

Taageerayaasha oo maanta ku ballansanaa Garoonkaasi oo ay Labada Kooxood ku ciyaarayeen ayaa waxaa gacan-ka-hadalkooda soo kala dhex galay Boliska Fardooleyda iyo kuwa Rashadaha ka hortaga.

Boliska waxay adeegsadeen suntan dadka ka ilmeysiisa iyo Tubooyinka laga tuuxo Biyaha xooggan, waxayna Boliska ku guuleysteen inay soo celiyaan Amarka iyo Kala Dambeynta.

Dhowr Taageere ayaa ku dhaawacantay gacan-ka-hadalkaasi oo dhacay ka hor intaysan Ciyaarta Labada Kooxood ee ka tirsan Koobka Premier League bilaabanin 12:45 daqiiqo ee Xilliga GMT.

Dhinaca kale, Ciyaarta Kooxaha Tottenham iyo Arsenal waxay waqtigii loogu talagalay ku dhamaatay barbar-dhac 2-2.

Tottenham and Arsenal fans07 Tottenham and Arsenal fans06 Tottenham and Arsenal fans05 Tottenham and Arsenal fans02 Tottenham and Arsenal fans01 Tottenham and Arsenal fans

Tottenham vs Arsenal

Waxaa Qoray: Hassan Ali Osman “Istiila”

Twitter: https://twitter.com/hassanistiila

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor