(SAWIRO): Shirweynaha Suxufiyiinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho.

Shirweynaha Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa waxa uu maanta ka furmay Hotelka City Palace ee magaalladda Muqdisho.

Shirweynahaasi waxaa maanta lagu maamusay Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Caalamka (World Press Freedom Day) oo sannad kasta Caalamka laga xuso maanta oo kale ee bisha May tahay 3-da.

Shirweynaha Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed oo socon doono muddo 3 maalmood waxaa ka soo qeyb galay Suxufiyiin ka kala socota Maamul-gobaleedyadda Puntland, Galmudug, Jubbaland iyo K/Galbeed, waana Shirweynihii 1-aad oo ay ka soo qeyb galaan Suxufiyiinta ugu tirada badnaa.

Dhinaca kale, Ka-qeybgalayaasha Shirweynahaasi waxay  bishan 5-da dooran doonaan Hoggaanka Cusub ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ.

Xoghayihii hore ee NUSOJ Maxamed Ibraahim Bakistaan  oo ka hadlay Shirkaasi ayaa ayaa sheegay inuu u tanaasulay danta Saxaafada, isla markaana wixii haatan  ka dambeeya uu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo Hoggaanka cusub ee NUSOJ ee sida mideysan loo dooran doono..

Si kastaba ha ahaatee, Suxufiyiin Rug-caddaa ah ayaana ku loolamaya Xilka Guddoomiyaha iyo Xoghayaha Guud ee NUSOJ, waxaana la filyaa in si mideysan maalinta Khamiista ee soo socota lagu dooran doono Hoggaanka cusub ee NUSOJ.

Ergooyinka dooran doona Hoggaanka cusub ee NUSOJ ayaa la sheegay inay tiradoodu dhan yihiin 105 xubnood.

shir-saxafinta (1)

shir-saxafinta (2)shir-saxafinta (3)shir-saxafinta (8)shir-saxafinta (7)

shir-saxafinta (4)

shir-saxafinta (9)

©Radio Dalsan

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor