(SAWIRO): Shirweynaha 28-aad ee Madaxda IGAD oo ka furmay Muqdisho.

Hoggaamiyayaasha Dowladaha xubnaha ka ah Urur-gobaleedka IGAD ayaa waxa uu gelinkii dambe ee maanta shirkoodii 28-aad uga furmay magaalladda Muqdisho.

Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ahaan u furay Shirkaasi oo looga hadli doono Xiisaddaha ka aloosan dalka South Sudan, Ammaanka iyo Doorashooyinka ka dhici doona Somalia.

Shirkaasi waxaan xaadir ku ahayn Madaxweynayaasha Jabuuti, Sudan iyo South Sudan , balse waxaa u matalayo Wakiilo iyaga ka socda.

Waa markii ugu horreysay ee Shirka Madaxda IGAD lagu qabto Muqdisho, waxaana aad loo adkeeyey Ammaanka Guud ee Madasha uu Shirku ka socdo.

Urur-gobaleedka IGAD oo la asaasay muddo haatan laga joogo 30 sanno, waxaa xubno ka ah dalalka Somalia, Kenya, Jabuuti, Ethiopia, Uganda, Sudan iyo South Suddan.

igaddigadd1igadd2igadd3

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media