Sawiro:-Shir looga hadlayo Amniga oo ka furmay Dhuusamareeb

Kulankan oo uu shir gudoominayo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa waxaa ka qeyb galaya Gudoomiyaaasha Gobollada Mudug iyo Galgaduud , Talisyada Ciidamada ee kala duwan, wasiiradaha amniga , arimaha gudaha iyo maaliyada ee galmudug iyo Taliska Qeybta 21aad.

Shirkaan ayaa waxa uu qeyb ka yahay madasha amniga qaranka oo waxyaabaha lagu gorfeeyey ay qeyb ka noqonayso dhaqan galinta qodobadii madadasha ee heshiiskii Galmudug iyo Ahlusunna.

Dhamaan xubnaha shirkaan ka ku sugan ayaa laga dhageysanayaa warbixinada ciidamada iyadoona la faray saraakiishu in ay kala war qaataan si amniga guud uu u noqdo mid isku xiran.

Shalay ayaa waxaa Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug waxaa lagu qabtay munaasabad Ciidamo ka tirsanaa kuwa Ahlusunna loogu biiriyey Ciidamada Galmudug oo ay ka qeyb galeen Madaxda ugu sareysa Maamulka Galmudug.

Hoos Ka Daawo Sawirada Kulanka Dhuusamareeb.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media