Baarayaasha Waaxda Dembiyadda ee Boliska dalkaasi waxay maanta soo saareen Warbixin ku aadan Weerarkii uu Nin Soomaali ah bartamihii bishii hore ka geystay Masjid ku yaalla magaalladda Malmesbury oo 65 KM dhanka Waqooyi kaga toosan magaalladda Cape Town.
Warbixinta waxaa lagu sheegay in Ninkii mas’uulka ka ahaa weerarkaasi oo dhacay Waaberigii hore ee bishii June 14-da uu taariikh ahaan ahaa Nin dhimirka ka xanuunanaa.
Weerarkaasai waxaa lagu dilay 2-qof oo ka mid ahaa dadkii ku cibaadaysanayey Masjidka, iyadoo 2-kalena lagu dhaawacay.
Baarayaasha waxay xuseen inaan weli la ogaanin sababta uu u geystay weerarkaasi, waxayna meesha ka saareen inuu wax xiriir ah la lahaa Kooxaha Xag-jirka, waa sida lagu xusay Warbixintaas.
Afhayeenka Boliska Dembi-baarista dalka Koonfur Afrika, Philane Nkwalase waxa uu sheegay inuu Ninka dilka geystay uu ahaa Bukaan-socod dhimirka ka xanuunsanaa, kaasi oo tan iyo sannadkii 2013-kii ilaa haatan ay daaweyn dhinaca Dhimirka uga socotay Isbitaalka Cilmi-nafsiga ee Karl Bremer Hospital ee magaalladda Bellville.
Afhayeenka waxa uu tilmamaay in Ninkii weerarkaasi geystay la oran jirey Nuur Carawal oo 23-jir ahaa, balse dadka Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika waxay magaca ninkaasi ku sheegeen Nuur C/lle Carraale, oo lagu naanaysi jirey Nuur Turaayo
Baarayaasha Boliska ee dalkaasi waxay Warbixintooda ku sheegeen inay maydka Marxuumkaasi ku wareejiyeen Qoyskiisa, lana filayo in loo soo qaado Somalia, si loogu aaso.