Iyadoo ay Kumanaan Taageerayaal Britain la dhacsan yIHIIN Guusha uu Orodyahanka Somali=-Britishka ee Mo Farah ka soo hooyey Tartankii Olo,bikadda ee lagu soo gebagebeeyey magaalladda Rio ee dalka Brazil ayaa waxaa farxadaasi ku naaloonaynin Ahmed Mukhtar oo ah Walaalka ka yar Mo Farah.
Ahmed Mukhtar Farah oo 27 jir ah ayaa qarka u saaran in laga cayriyo dalka Britain oo uu ku noolaa 25-kii sanno ee la soo dhaafay.
Ahmed oo Xabsi ku yaalla dalka Britain ku jiray tan iyo sannadkii 2011-kii waxa uu Codsi Toos ah u diray Saraakiisha qorsheynaysa inay u soo masaafuriyaan dalka Somalia.
“Kuma laaban karo Somalia oo ah halkii aan Aniga iyo Mo Farah ku dhalanay, waa meel Khatar badan” ayuu yiri Axmed Mukhtaar oo sheegay inay noloshiisa khatar ku jirto haddii loo masaafuriyo Somalia.
AHmed Mukhtar Farah ayaa dhamaystay Xabsi muddo 5 sanno ah,m kadib, markii uu tooreey ku dhaawacay dad ku sugnaa magaalladda London.
Codsiga Ahmed ayaa ku soo beegmayo, iyadoo uusan muddo sannado arkin Walaalkiisa Mo Farah oo haatan ay isaga iyo Xaaskiisa iyo Afartiisa Carruur wada deggan yihiin dalka Maraykanka.’
Hadal; ka soo baxay Waaxda Arrimaha Gudaha Britain ayaa lagu sheegay inaan weli la go’aaminin in Ahmed Mukhtar Farah loo masaafuriyo dalkiisa hooyo ee Somalia.
Dhinaca kale, Cadadka maanta ee Wargeyska The Mirror ee ka soo baxa magaalladda London ayaa maqaal dheer ka qoray Mo Farah Walaalkiisa, kaasi oo sheegay in uu u baqanayo Noloshiisa haddii loo masaafuriyo Somalia.