Koox ka tirsan Radio Dalsan ayaa caawa u shaah doontay maqaayada Banooda oo ku taala degmada Boondheere kadib qaraxi maata lagu weeraray.
Wariayaasheen ayaa soo arkay in maqayada ay dib u shaqeyneyso oo dib loo bilaabay adeegi iyadoo dadki macaamisha u ahaa ay usoo casho doonteen.
Gaari nuuca HILUX ayaa lagu qarxiyey xiligii qadada waxaana la sheegay in dhaw qof ay ku dhaawacmen .
Maqaayadan ayaa sidaan oo kale loo qarxiyey 2014 xiligaas oo ay dad badani ku dhaawacmeen oo ay ku jirto gabadha iska leh maqaayada oo lagu magacaabo maqaayada.