Madaxweynaha dalkaasi, Yoweri Kaguta Museveni waxa uu shalay Tababar u soo xiray 203 Askar ka tirsan Ciiddanka Difaaca Uganda ee UPDF iyo 20 Askari oo ka socotay ciiddanka Qaranka Somalia ee SNA, kuwaasi oo muddo 52 isbuuc tababar ku qaatay Akadeemiyadda Milliteriga Uganda ee Kabamba oo ku taalla Degmadda Mubende ee Bartamaha dalkaasi.
Ciiddanka Isku-dhafka ee tababarka loo soo xiray waxay qaateen Tababaro ku aadan Khibradaha Asaasiga ee Ciiddanka, Dagaal-gelinta iyo Khibradda Hawlgalladda Farsamo iyo xeeladaha guud ee Ciiddamadda.
Madaxweyne Museveni waxa uu Ciiddanka UPDF kula dardaarmay inay xubno ka yihiin Ciiddanka Xorreynta, isla markaana ay ka fogaadaan Dhaqanadda Qabyaalladda iyo Ciiddanka Gumeystaha, taasi oo uu xusay inaysan ahayn arrin waxtar u leh Danaha Ummadda.
Waxa kale oo uu intaasi ku daray inay awoodeen inay lacag la’aan dhisaan Ciiddan Awood leh oo badbaadiyey Uganda, isla markaana kaalin ka qaata Hawlgalladda Nabadda ee Gobalka.
Madaxweyne Museveni waxa uu u sheegay Ciiddanka tababarka loo xirray inay diiradda saaraan shaqooyinkooda, iskana ilaaliyaan waxyaabaha qatarta sida Cuddur-sidaha HIV AIDS-ka, si ay ugu guuleystaan noloshooda.
Dhinaca kale, Ciiddanka Tababarka loogu soo xiray Akadeemiyadda Milliteriga Uganda waxaa qeyb ka ahaa 20 Askari oo ka tirsan Ciiddanka Qaranka Somalia, kuwaasi oo uu Tababarkooda qeyb ka ahaa dadaalka lagu xoojinayo Awoodda iyo Khibradda Ciiddanka Qaranka Somalia ee SNA, si ay Ciiddanka Hawlgalka AMISOM ugala wareegaan Amniga Guud ee Somalia.
Dowladaha Somalia iyo Uganda ayaana Heshiis ka gaaray Tababarka ay Ciiddankaasi ku soo qaateen Akadeemiyadda Milliteriga ku taalla Uganda.
Munaasbaadda Tababarka loogu soo xirayey Ciiddanka Uganda iyo kuwa Soomaalida waxaa goobjoog ka ahaa Wafdi ka socday DFS oo uu hoggaaminayey Taliye-xigeenka Ciiddanka dhulka, Sarreeye Guuto C/rashiid C/llaahi Shire, Taliyaha Ciiddanka Dhulka ee Uganda, Jeneral Sam Kavuma, taliye-xigeenka Ciiddanka Cirka Uganda, Jeneral Gavas Mugyenyi iyo Saraakiil kale.