(SAWIRO):- Kumanaan neef oo Geela oo loo dhoofiyey Masar

Markabka xamuulka ee  lagu magacaabo MV Dolvina oo waday 2,603 neef oo Geel ah ayaa ku xirtay Marsadda ama Dekedda Aladbiyad ee magaalladda Suweys ee dalka Masar.

Wasiirka Xannaanadda Xoolaha, Beeraha iyo Daaqa ee Xukuumadda Federalka Somalia, Saciid Xuseen Ciid iyo Wasiirka Beeraha iyo Hagaajinta Dhulka ee dalka Msaar, Cisaam Fayaad ayaa si wadajir ah u booqday Shixnadda Geelka Somalia ee laga soo dejiyey Dekedda Aladbiyad, Waana shixnaddii ugu horreysay oo  Geel oo muddo 20-sanno kadib si toos ah loogu iib-geeyo dalka Masar.

Dhinaca kale, Wasiir Saciid Xuseen Ciid ayaa sheegay in la kordhin doono Xoolaha loo soo dhoofiyo dalka Masar, wuxuuna carraka ku dhuftay in la qorsheynayo in 50,000 oo neef loo soo dhoofiyo Masar inta aan la gaarin Munaasabadda Ciiddul Adxa ee Sannadkan.

Wasiirka waxaa kaloo uu tilmaamay inay Dowladaha Somalia iyo Masar si ficil ah u hirgeliyeen Heshiiskii ay labada dhinac kala saxiixdeen ee ku aadanaa dhinacyadda Xoolaha iyo Beeraha, wuxuuna xusay in loo qoondeeyey 900-kun oo Hektar beerista Dalagyaddakala duwan, taasi oo looga dan leeyahay in lagu kobciyo Xiriirka Ganacsiga ee labada dal ee Somalia iyo Masar.

MASAARIDA MASAARIDA00 masaarida000 masaarida05 masaarida04 masaarida03 MASAARIDA2 MASAARIDA1 masaarioda02 MASAARIDA masaarida5

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor