(SAWIRO): Hay’addaha Ammaanka oo qabtay Laptopyo lagu diyaarinayey qaraxyo.

Taliska Ciiddanka Boliska Banaadir waxa uu xalay soo bandhigay Gaari iyo Laptopyo la sheegay in la qorsheynayey in lagu rakibo qaraxyo, si loogu dhibaateeyo Ummadda.

Ciiddanka Amamanka waxay sheegeen inay Gaadidikaasi iyo qalabkaasi ku soo qabteen Hawlgal ay ka fuliyeen Degmadda H/wadaag ee magaalladda Muqdisho.

Waxaa Fagaaraha Daljirka Dalsoon  xalay lagu soo bandhigay  Gaariga, 7 Laptop, Mobaylo iyo Dukumentiyo leh Astaanta Kooxda Daacish, waxayna Saraakiisha Amamanka sheegeen in la qorsheynayey in qaraxyo lagu fuliyo Laptop-yadda.

Waxaa kaloo la soo qabtay ninkii waday Gaariga, oo la sheegay inuu qirtay inuu ka tirsan yahay Dacaish.

Ma aha markii ugu horreysay ee ay Hay’addaha Ammaanka gacanta ku soo dhigaan Laptop-yo iyo gaadiid la doonayey in lagu fuliyo Qaraxyo.

13178754_925201484259309_1645957883935761825_n

13228075_568701433298175_1986542353_n

13228028_568701769964808_2035827553_n

13140885_568701816631470_1991615954_n13220078_568701666631485_1049374038_n

©Radio Dalsan

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor