Waybsaytka Teefishinka Alarabiya waxa uu maanta qoray in Haweeney Ethiopian oo shaqaale guri (Adeegto) u ahayd Qoys Sacuudiyaan ah inay Tooreey ku dishay gabar 11-jir ah, halka ay dhaawacday wiil la dhashay gabadha.
Dhacdadan ayaa waxay ka dhacday Caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyadh, iyadoo Adeegtada falkaasi geysatay xilli ay Waalidiinta carruurtaasi ku maqnaayeen shaqo.
Ilo ku dhow Qoyskaasi ayaa sheegay inay Adeegtada markii hore ay 14-jeer Tooreyda ku dhaawacday wiilka, ka hor inta uusan ka baxsanin, iskuna xirin Suuliga guriga.
Haweeneyda waxay kaloo tooreeyda dhowr jeer la dhacday ilaa ay ka geeriyootay gabar 11-jir ah oo la dhalatay wiilka la dhaawacay.
Shabakadda Telefishinka Alarabiya waxay kaloo qortay inuu Wiilkii la dhaawacay uu si qarsoodi ahTelefoon ugu diray Hooyadiisa, una sheegay falka ay Adeegtadii isaga ku dhaawacday, kuwna dishay Walaashiisa.
Hooyadda waxay si degdeg ah u wacday Boliska oo ay ku wargelisay dhacdadaasi, waxayna iyada iyo Ciiddanka si wadajir ah u tageen guriga Qoyskaasi.
Isla markii ay Ciiddanka gaareen halkaasi waxay caddeeyeen inay gabdha yar geeriyootay, halka Walaalkeeda loola cararay Isbitaalka, si uu u helo Gargaar iyo Daryel Caafimaad oo Khaas ah.
Haweeneydii Ethiopianka oo isku xirtay qol, waxay Ciiddanka u sheegtay markii ay soo qabteen inay gashay Dembigaasi, iyadoo loo gudbiyey Waaxda Dembi-baarista Boliska Sacuudiga.
Safaaradda Dowladda Ethiopia ku leedahay dalka Sacuudiga waxaa la sheegay inaysan weli ka hadlin Kiiska loo haysto Haweeneyda Ethiopianka ee dilka iyo dhaawaca u geysatay carruurta qoyskii ay Adeegtada u ahayd.
Si kastaba ha ahaatee, waxaan kala caddayn sababta ay Adeegtadda tooreey ula dhacday Ilmaha reerka ay u shaqeynaysay.
Xigasho: alarabiya.net