Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa howlgalkaan isbaaro qaadista ah waxa ay ka bilaabeen tuulooyin hoostaga degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe,kadib cabasho ka timid Darawaalda Gaadiidka Dadweynaha.
Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminaya Taliyaha qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga dalka Janeraal Maxamuud Maxamad Macalin (Koronto) iyo guddoomiyaha gobolka Sh/Dhexe Axmad Meyre Makaraan,iyada oo laga hortagayay kooxo mararka qaar wadada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar mararka qaar isbaarooyin dhigta.
Deegaanada howlgalka isbaaro qaadista ah laga sameeyey ayaa waxaa ka mid ah Cali Yaallo,Hiilweyne, Nambar 20 iyo tuulada Haansheekh ee duleedka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe
Taliyaha qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga dalka Janeraal Maxamuud Maxamad Macalin (Koronto) ayaa howlgalkaas ku sheegay mid loogu kuur galayo xaalada amni ee deegaanada Hir-Sahbeelle oo mararka qaar ay ka dhacaan falal amnidarro.
Wadada xiriirisa degmada Balcad iyo Magaalada Jowhar ayaa tiro dhowr jeer waxaa ka dhacay weerarao lagu dilay Xildhibaano,iyo askar ka tirsan Ciidamada dowladda,waxana weeraradaas sheegtay Al-Shabaab.