Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Europe waxay maanta kala saxiixdeen Heshiis lagu malagelinayo Dib-u-dhiska Waddooyinka Goballadda dalka.
Munaasbadaasi oo maanta lagu qabtay magaalladda Muqdisho ayaa waxay labada dhinac ku kala saxiixday Maaleglinta Mashruucaasi oo ay EU-da ku bixinayso kharaj dhan 42 million oo Euro.
Wasiirka Qorsheynta, Malgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha ee XFS, Jamaal Maxamed Xasan iyo Danjiraha Midowga Europe u jooga Soomaalida, Nicholas Berlanga Martinez ayaa si wadajir ah u saxiixay Heshiiskaasi.
Wasiir Jamaal Maxamed Xasan waxa uu xusay inay Yaboohan cusub ee ee loogu talagalay Dib-u-dhiska Waddooyinka sii xoojinayso 100 million oo Euro oo ay Midawga Europe ku taageereen kabka miisaaniyadda Dowladda federaalka Soomaaliya.
Dhaqaalaha guud ee deeq bixiyaashu ugu tala galeen mashruucaasi ayaa la sheegay inuu dhan yahay 59.75 Mliyan Oo Yuuro.
Mashruuca dib-u-dhiska waddooyinka goballada Soomaaliya ayaa qayb ka qaadanaya sare u qaadidda awoodda hay’adaha dhismaha waddooyinka ee heer federal iyo heer dowlad gobaleed., iyadoo dayactir lagu samaynayo ilaa 355 KM oo ka mid ah Waddooyinka isku xira goballadda dalkeenna.