Khamiistii la soo dhaafay, Koox ka kooban ilaa 50 Qaxooti ayaa dhigay Dibadbax ay kaga soo horjeedaan sida ay Dowladda Talyaaniga uga gaabisay sidii loo damin lahaa dab ka kacay dhismo Wershad ahayd oo loo bedelay Xero ay ku jiraan Qaxooti magangelyo-doon ah oo ku taalla Deegaanka Sesto Fiorentina oo u dhow magaalladda Florence ee Koonfurta Talyaaniga.
Dabkaasi waxaa ku geeriyooday Nin Qaxooti Somali ah oo la oran jirey Cali Muuse Maxamuud oo 44-jir ah, kaasi oo ku gubtay gudaha Dhismahaasi, xilli uu doonayey inuu la soo baxo Dukumentiyo uu doonayey inuu xubno ka tirsan Qoyskiisa ku keeno Talyaaniga.
Baarayaasha dalka Talyaaniga ayaa ku hawlan sidii ay ku ogaan lahaayeen waxa sababay Dabkaasi, waxayna Baaritaan Hordhac ah ku sheegeen inuu dabku ka dhashay kadib, markii ay Qaxootiga isku dayeen inay diirimaad ka helaan Qalabka la isku kululeeyo, maadaama uu Qabow Daran ka jiro Talyaaniga iyo dalalka kale ee Galbeedka Europe.
Dhinaca kale, Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootoga (UNHCR) ayaa walaac xxooggan ka muujisay Qaxootiga iyo Tahriibayaasha u ddhimanayo Qabowga ka jira Europe.
Afhayeenadda Hay’adda QM ugu qaabilsan Daryeelka Carruurta ee UNICEF, Sarah Crowe ayaa sheegtay inay dhibaatada ugu weyn soo gaarayso Carruurta la socda Qaxootiga, waxayna ugu baaqday Dowladaha Europe inay gurmad u fidiyaan Qaxootiga uu barafka qabowga leh ku da’ayo.
Dhawaan ayey ahayd markii maydad ka Haweeney Qaxooti Soomaali ah iyo 2 nin oo u dhalatay dalka Iraq laga helay xuduudka dalka Bulgaria la wadaago Turkiga.
Afhayeenka Hay’adda Muhaajiriinta Caalamiga (IOM), Joel Millman ayaa sheegay inay Tahriibayaasha ka soo gudbayo Badda Mediterranean kordheen sannadkan, isla markaana ay dhimashadu mar hore gaartay 27 qof bishan Janaayo oo keliya.
©Radio Dalsan