(SAWIRO): Alshabaab oo sheegatay qaraxii maanta ka dhacay agagaarka Ufficio Governo

Gaari laga soo buuxiyey  waxyaabaha qarxa ayaa waxa duhurnimaddii maanta lala beegsaday Maqaayad ku taalla dhabarka dambe ee Dhismaha Maamulka Gobalka Banaadir (Ufficio Governo) ee Degmadda Xamar-weyne ee magaalladda Muqdisho.

Qaraxaasi oo ka dhacay wejiga hore ee Maqaayadda Alhindi ayaa waxaa ku geeriyooday 5 qof, iyadoo 7 kalena ku dhaawacmeen, kuwaasi oo dhamaantooda rayid ahaa.

Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir, C/fataax Cumar Xalane ayaa Saxaafadda u sheegay in qaraxaasi lala beegsaday Maqaayad ay dad rayid ah ka qadeynayeen.

Dhinaca kale, Alshabaab ayaa sheegatay qaraxaasi, waxayna tilmaameen inay la beegsadeen Mas’uuliyiin ka tirsan Hay’addaha Dowladda oo ka cunteynaysay Maqaayadaasi.

Dorraad ayey ahayd, markii qarax noocan oo kale lala soo beegsaday Xilliga Qadada  Maqaayadda Rajo oo ku taalla Xaafadda Bayxaani ee Degmadda Shibis.

Qaraxaasi waxaa ku geeriyootay dhowr qof oo rayid ah oo ay ku jireen Oday naafo oo miis yar ku lahaa halkaasi iyo ciyaalka nadiifiya gaadiidka ay wataan dadka ka cunteeya Maqaayadaasi.

Alhinda2

Alhinda6

Alhinda1

Alhinda4

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor