Al-fanaan Axmed C/kariim Maxamed “Axmed Biif” oo Shacbiyad xooggan ku dhex leh Bulshadda ayaa waxa uu galabta marti ku ahaa Barnaamijka maalinlaha ee Madasha Barbaarta “BMB”, kadib, markii uu Maamulka Sare ee Radio Dalsan ku casuumay Xarunta dhexe ee Idaacadda ee magaalladda Muqdisho.
Fannaanka waxa wareystay Soo-saaraha Barnaamijka BMB, Weriye Salaad Tifow Xasan “Aarka”, wuxuuna ka hadlay Taariikhdiisa Faneed iyo Taxanaha Suugaantiisa iyo sida uu u arko inuu dib ugu soo laabto dalka Hooyo.
Fannaanka waxa uu sheegay inuu ku dhashay magaalladda Bosaaso iyo inuu Fanka ka bilaabay magaalladda Muqdisho sannadkii 2002-dii.
Mar wax laga weydiiyey Fannaaniinta ku soo gardaadisay Fanka, waxa uu carrabka ku dhuftay inuu Macalinkiisa Fanka ahaa Allaha u naxariistee Axmed Nuur Jangow iyo inuu jaal dhow la noqday Allaha u naxariistee C/qaadir Sheekh Cali “Sanka”.
Waxa kale oo uu sheegay inuu dhiiri-gelin ka helay Abwaan Saciid Xarow iyo Fannaanka Maxamed Xasan Barrow.
Fannaanka Axmed Biif waxaa wax laga weydiiyey sababaha uusan ugu luqeynin Heesha Waddaniga, wuxuuna gaashanka ku dhuftay arrintaasi, wuxuuna tiriyey dhowr Heeso Waddani oo uu horey u qaaday, sida Heestii “Dalkayga”.
“Xaqiiqdii, Fannaaniinta, siiba kuwooda Qurbaha jooga waxay aad ugu hiloobaan dalkooda hooyo oo ay wax ku yihiin” ayuu yiri Fannanka.
Mar wax laga weydiiyey waxa ay ugu baxday naanaysta Biif, waxa isagoo kaftamayo ku jawaabay:- “Naanaysta waxay Xilligayga Carruurnimadda ii bixiyey Macallinkayga Dugsi Qur’aanka aan ku dhigan jirey magaalladda Bosaaso, waxaan jeclaa inaan qato shaar cad iyo surwaal cad, waxaana la dagaalami jirey Carruurta marka ay Hinqaasta igu daadiyaan”.
Waxa uu intaasi ku daray:- “Macallinkayga Dugsiga oo aan jeclahay ayaana ii bixiyey Biif oo la micno ah dharka cad ee Baftada ah”.
Sidoo kale, waxaa wax laga weydiiyey sababaha uu Heesaha Jacaylka ugu amaano Haweenka, waxa uu si kooban u sheegay inuu raacay Jidkii Suugaanta ee Allaha U Naxriistee Fannaankii Cumar Dhuule Cali ugu go’ay Heesaha khaaska u ah Ammaanta Dumarka.
Dhinca kale, Fannaanka Axmed C/kariim Maxamed “Axmed Biif” waxa uu ka jawaabay su’aalo ay soo weydiiyeen Dhegeystayaal badan oo dalabkooda ku soo diray Farriimaha SMSka ee Radio Dalsan ee 434.
Fannaanka waxa kale oo uu ku luqeeyey Heesahiisa laga dab dhacay oo ay Dhegeystayaasha ka soo codsadeen.
Fannaanka waxa la filaya inuu bisha soo socota ee February 14-da Bandhig Faneed ballaaran ka dhigo magaalladda Muqdisho.
©Radio Dalsan