(Sawirka iyo magaca): Ninkii fuliyey Is-qarxintii ka dhacay magaalladda Saint Peterburg ee  Raashiya.

 

Hay’adda Ammaanka ee dalka Karakhistan (Kyrgyzstan.) ayaa xaqiijisay inuu nin u dhashay dalkooda, balse haysta Dhalashada Raashiya uu fuliyey Is-qarxintii shalay galab lala beegsaday goob laga raaco Tareenadda oo ku taalla magaalladda Saint Peterburg oo ah magaalladda Labaad ee ugu weyn dalka Raashiya.

Afhayeenadda Hay’adda Ammaanka ee Karakhistan, Rakhaan Salimanov ayaa sheegtay in Ninka weerarka geystay la oran jirey Akbarzohon Jalilov , kaasi oo sannadkii 1995-kii ku dhashay magaalladda Osh ee dalka Kyrgyzstan.

Dhinaca kale, dalkaasi oo ku yaalla Bartamaha Qaaradda Asiawaxaa ku nool 6 million oo qof oo badankooda Muslimiin ah.

Dalkaasi waxay Siyaasad ahaan Xulufo la yihiin Raashiya, waxaana ku yaalla Saldhig Milliteri oo ay Askar Raashiyaan ah ku sugan yihiin.

Qarixii shalay ka dhacay Bosteejadda laga raaco Tareenadda ee magaalladda    waxaa ku dhintay 11-qof, halka ay 45 kalena ku dhaawacmeen.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media