Hay’adda Ammaanka ee dalka Karakhistan (Kyrgyzstan.) ayaa xaqiijisay inuu nin u dhashay dalkooda, balse haysta Dhalashada Raashiya uu fuliyey Is-qarxintii shalay galab lala beegsaday goob laga raaco Tareenadda oo ku taalla magaalladda Saint Peterburg oo ah magaalladda Labaad ee ugu weyn dalka Raashiya.
Afhayeenadda Hay’adda Ammaanka ee Karakhistan, Rakhaan Salimanov ayaa sheegtay in Ninka weerarka geystay la oran jirey Akbarzohon Jalilov , kaasi oo sannadkii 1995-kii ku dhashay magaalladda Osh ee dalka Kyrgyzstan.
Dhinaca kale, dalkaasi oo ku yaalla Bartamaha Qaaradda Asiawaxaa ku nool 6 million oo qof oo badankooda Muslimiin ah.
Dalkaasi waxay Siyaasad ahaan Xulufo la yihiin Raashiya, waxaana ku yaalla Saldhig Milliteri oo ay Askar Raashiyaan ah ku sugan yihiin.
Qarixii shalay ka dhacay Bosteejadda laga raaco Tareenadda ee magaalladda   waxaa ku dhintay 11-qof, halka ay 45 kalena ku dhaawacmeen.
©Radio Dalsan