Maxamed Nuur oo ahaa sarkaal Booliska ah oo ka mid ahaa ciidanka Booliska ee magaalada Minneapolis ayaa Talaadadii shalay lagu soo oogey inuu ula kac u dilay Justine Daimond oo ahayd haweenay u dhalatay dalka Australia, nin saaxiib ahaayeenna kula nooleyd magaalada Minneapolis.
Sarkaalkaan Booliska ah ayaa dacwadiisa isla maanta oo Arbaco ah bilaabaneysa sida ay xaqiijiyeen Qareenada ku hawlan kiiska arrintaan.
Dilku waxa uu dhacay 15-kii bishii July ee sanadkii hore, 2017, balse baaritaano kala duwan oo socday ayaa hadda lagu shaaciyay dilka inuu u dhacay si kas ah.
Looyarada difaacaya Maxamed Nuur ayaa aad u beeniyay arrintan, waxayna ku doodayaan in Xeer ilaaliyaha waxyaabaha uu sheegay aanay waxba ka jirin, oo ay yihiin kuwa la isku soo dhoobay.
Xariga Maxamed Nuur ayaa waxaa si aad ah u hadal haya Soomaalida ku nool dalka Mareykanka waxayna dalbanayaan in sida saxda ah cadaalad loogu raadiyo sarkaalkan, oo aanay dhicin eexasho.