Sarkaal ka tirsanaa Shirkadda Shidaalka ee  Iraq oo lagu dilay Waqooyiga dalkaasi.

Kooxo hubeysan ayaa la sheegay inay toogteen Ku-xigeenkii Maareeyaha Shirkadda Gaaska ee NGC ee magaalladda Kirkuuk, xilli uu ku sii jeeday Xafiiskiisa.

Sarkaalkaasi oo lagu magacaabi jirey Maxamed Yoonis, kana soo jeeda Kurdiyiinta Iraq ayaa waxaa laga soo toogay gaari xawli ku socday, waxaana shilkasi ku geeriyooday isaga iyo Dareewalkiisa.

Ma jirto koox sheegatay dilkaasi ka dhacay magaalladda Kirkuuk oo ay ku wada nool yihiin Bulshooyin ka soo kala jeeda Caran, Kurdish iyo Turkmens, balse maamulka Kirkuuk waxaa tan iyo sannadkii 2014-kii gacanta ku haya Qowmiyadda Kurdiyiinta Iraq.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media