Sarkaal ka tirsan Milliteriga Kenya oo lala xiriirinayo Alshabaab oo lagu dhex qabtay Kaniisad

Boliska Degmadda Nakuru ayaa sheegay inay maanta gacanta ku dhigeen Sarkaalkaasi  iyo nin kale, kadib, markii lagu eedeeyey inay si khasab ah ku galeen Kaniisad ku taalla Degmadda Nakuru oo  139 Kiilomitir u jirta magaalladda Nairobi.

Eedeysanayaasha oo la sheegay inay sarqaansanaayeen ayaaa waxay dadkii ku sugnaa Kaniisadda u sheegeen inay dad ehelkooda ah ka tirsan yihiin Xarakadda Alshabaab, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Warkan oo lagu shaaciyey Wargeyska News24 ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa qoray inuu Taliyaha Boliska Degmadda Nakuru, Hassan Baru’a xaqiijiyey Kiiskaasi, balse waxa uu sheegay  inuusan bixi Karin Tafaasiil dheeraad ah inta laga dhamaystirayo Baaritaanka.

Labada Eedeysane waxaa loo gudbiyey Ciiddanka La-dagaalanka Argagixisadda Kenya, lamana sheegin haddii ay hubeysnaayeen iyo in kale.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor