Sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-shabaab ayaa shalay isku soo dhiibey Maamulka Degmada Bardaale ee Gobolka Baay, waxaana lagu magacaabaa Ibraahim Maxamed Aadan ( Ibarhim Boolis, waxaa uu Al-shabaab u qaabilsanaa, Madax maaliyada iyo sirdoonka Degmada Bardaale ee Goboka Baay, kaasi oo isku hayay labo jago.
Sarkaalkan oo si weyn looga yaqaano deegannada hoos yimada Bardaale,maadaama uu lacago ka qaadi jiray, isagoo watay Qori AK47 iyo Booshkiisa.
Guddoomiyaha Degmada Bardaale Maxamed Isxaaq Araxas oo la hadley Warbaahinta Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in uu xiriiro la soo sameeyay maamulka Degmada.
“Waxa uu xiriiro badan la soo sameyay maamulka kaddib isagaa go’aansadey in ka soo tego Al-Shabaab,isagoo haatan si nabad ah ku jooga Degmada Bardaale ee Gobolka Baay”ayuu yiri Guddoomiye Maxamed.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Degmada Bardaale ee Gobolka Baay Maxamed Isxaaq Araxas ayaa baaq u direy dhallinyada ka tirsan Al-ahabaab, isaga oo tixigalineya baaqii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Dowlad Gobolledka Koonfur galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (lafta–gareen) ,in ay isku soo dhiibaan Maamulka Degmada Bardaale oo ay ka faa’iideystaan cafiska ay u fidisey Dowladda Soomaaliya.