Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaare dhaliyay oo ka dhacay Gobolka Galgaduud, waxaana lasoo sheegaya dhaaawacyo ay ka dhasheen is-rasaasayntaasi.
Wararkii ugu dambeeyay ee nasoo gaaraya ayaa sheegaya in Gudaha Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ay ku dagaalameen Ciidamo Boolis ah iyo malleyshiyaad dadka degaanka ah, waxaana lasoo sheegayaa inuu ku dhaawacmay Taliyaha Booliska Degmada Cadaado Xuseen Ahmed.
Sidoo kale Israsaaseynta dhex-martay labada dhinax ayaa waxaa dhaawac uu kasoo gaaray qof shacab ah.
Shaqaaqada ka dhacday Cadaado wali masuuliyiinta Galmudug iyo saraakiisha Ciidanka wax war ah kama soo saarin, waxaaan warar aynu helnay ay tilmaamayaan in arintaasi ay salka ku hayso dhul la isku haysto.