Xubno ka tirsan dagaalamaayaasha AS ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga ee ku sugan Gobolka Hiiraan, waxaana Hubnahaasi isi-soo dhiibay ka mid ah Ajaanib sida ay sheegeen saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka.
Xubnaha isi-soo dhiibay oo tiradooda ay gaarayso 3 dagaalame ayaa si gaar ah isugu dhiibay Ciidanka Dowladda ee ku sugan Degmada Far-libaax ee Gobolka Hiiraan.
Maamulka iyo laamaha Amniga Degmadaas ayaa Gacanta ku haya waxa ayna Xaqiijiyeen in Xunahani si iskood ah isku soo dhiibeen iyagoo Cafiskii Dowlada ka Faa’iidsanaya.
Sawiradooda iyo muuqaaladooda ayaa lasoo bandhigay xubnaha, waxaana maalmihii lasoo dhaafay isi-soo dhiibayay dagaalamaayal ka tirsan AS.