Saraakiishii NISA iyo Booliska G/Hiiran oo looga yeeray Muqdisho kadib Qaraxyadii Baladweyne

Saraakiisha NISA iyo Booliska ee Gobolka Hiiraan oo horay loogu eedeyay Qaraxyadii waa weynaa ee Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa ayaa la sheegay in Looga yeearay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Kor. Isaaq Cali Cabdulle oo soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in uu ku yimid amar culus oo kaga yimid Muqdisho, waxaana wararka qaar ay tilmaamayaan in Xabsiga loo Taxaabay Taliyaha.

Sidoo kale Taliyaha NISA ee Gobolka Hiiraan ayaa isaga loo yeeray, waxaana arrintaasi ay ka dambeysay kadib markii lala-xariiriyay masuuliyad darro weyn oo ku aaaddan Qaraxyadii maalmo ka hor ka dhacay Baladweyne.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa taliyayaasha NISA iyo Booliska Hiiraan ku eedeeyay inay gabeen doorkoodii sugidda amniga Beledweyne iyo wax ka qabashada dadkii ka dambeeyay Qaraxyadii ka dhacay Beledweyne.

Cali Jeyte oo shalay Warbaahinta u qabty shir jaraa’id ayaa eedeyn Culus u jeediyay labada masuul. Waxaana uu Dowladda Federaalka uu ka dalbaday in labada Masuul lagu sameeyo baaritaanno Culus, oo ku aaddan Qaraxyadii dhawaan ka dhacay Baladweyne.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor