Saraakiisha Ciidanka Xoogga  oo sheegay in ay fashiliyeen weerar AL-Shabaab ay ku qaadeen Xudur

Ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay inay fashiliyeen weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen magaalada Xuddur ee gobolka Bakool, waxaana intaas ay ku dareen khasaaro in ay gaarsiiyeen xubnihii weerarka soo qaaday.

Taliyaha ururka 175-aad, guutada 9-aad ee ciidanka xoogga dalka Maxamed Sankuus iyo Taliyaha sahanka ee guutadaas Aadan Gaabow ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in kooxdii weerarka soo qaaday ay iska caabiyeen, sidoo kalena ay ka hor istaageen in ay Magaalada weeraro ka gaystaan,waa sida ay hadalka u dhigeene.

Saraakiisha u hadashay Ciidanka Xoogga ayaa intaa ku daray in dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab, sidoo kalena ay dhaawacyo gaarsiiyeen.

Saraakiishu faah faahiino kama bixin in dhankooda uu soo gaaray khasaare iyo in kale, balse waxaa ay sheegen in weerarkas ay ka hor tageen, ayna ka itaal roonaadeed dagaalayaashii weerarka soo qaaday.

Magaalada Xudur ee xarunta u ah Gobolka bakool ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ah magaalo in muddo ah Al-Shabaab go’adoon ugu jirta, waxaana dadka degaanka tiro dhowr jeer ah ay baaqyo is dabajoog ah u direen maamula Koofur Galbeed iyo Dowlaadda Federaalka Soomaaliya.

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor