Saraakiisha Ciidanka Xoogga oo sheeegay in ay dileen dagaalamayaal ka tirsan AL-Shabaab

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya kuwa Koofur galbeed, ayaa saakay howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Dhursheen Shabeelle oo 35 km u jirta degmada Xuddur gobolka Bakool.

Howgalka ay Ciidanku sameeyeen ayaa waxaa ay sheegeen, in ay howlgalkaas ay ku dileen laba dagaalame oo ka tirsan Al Shabaab.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Ceelbarde, Cumar Cabdiraxmaan ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ciidanka ay arroor hore oo saaka oo isniin ah ah ay weerar qorsheysan ku dileen, Axmed Moorogaabeey iyo Cali Garweyne oo Alshabaab u qaabilsanaa arruurinta lacagaha.

Abaabul aad u xoogan oo loogu diyaar garoobayo dib u xoreynta gobolada ayaa ka socda degmada Ceelbarde, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidanka xoogga dalka iyo Daraawishta Koofur Galbeed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor