Ciidanka Qaranka ayaa howlgal qorshaysan oo ay ka sameeyeen magaalada Marka ku soo qabtay Rag iyo Dumar ka tirsan Al-shabaab.
Xubnaha ayaa xilliga la qabtay waday Qarax ay ku soo dhex qariyeen Jawaan ay ku jirtay Ganlay, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Qaranka.
Labo dumar ah ayaa ku jira xubnaha ay ciidamadu gacanta ku dhigeen, oo waliba mid ka mid ah ay Uur leedahay.
Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ee ku sugan Gobalka Shabeellaha Hoose ayaa mudooyinkaanba aad u sii xoojiyay dagaalada ka dhan ah Al-Shabaab, iyadoo ciidamadu ay deegaano badan kala wareegeen Al-Shabaab.