Taliyaha Hawlgalka AMISOM, Jeneral Osman Nuur Subagle oo ka hadlay Shir u furfmay Saraakiisha AMISOM ayaa ka codsaday Saraakiisaha AMISOM inay xoojiyaan Iskaashiga ay la leeyihiin Ciiddanka Qaranka Somalia (SNA) si loo xaqiijiyo in si wanaagsan loo fuliyo Hawlgalla Ammaanka.
Waxa uu intaasi ku daray in Iskaashigaasi uu ka taageeri doono sidii ay Ciiddanka Qaranka Somalia si buuxda ula wareegaan Ammaanka dalkooda.
Jeneral Subagle waxa uu Saraakiisha AMISOM ku booriyey sidii loo dhamaystiri lahaa Jihada Istaraatijiyadda cusub ee Isla shaqeynta Ciiddanka AMISOM iyo kuwa Soomaalida.
Waxa uu sheegay inay waajib tahay in la tababaro Ciiddanka Qaranka Somalia si ay ula wareegaan Sugidda Ammaanka, wuxuuna dhinaca kale sheegay inay Ciiddanka AMISOM ka huleeli doonaan Somalia, marka ay Ciiddanka Somalia awood u yeeshaan Sugida Ammaanka Somalia.
“Waa inaan qorsheynaa iyo inaan Hawlgalka la fulinayo Ciiddanka Somalia, marka ay diyaar noqdaan waa inaan ku wareejinaa Hoggaaminta Ammaanka. Markaasi oo keliya ayaan awoodi karnaa inaan Somalia isaga huleelno” ayuu yiri Taliyaha Taliska AMISOM.
Dhinaca kale, Ergayga Gaarka ee Midowga Afrika, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM, Ambassador Francisco Madeira ayaa ugu baaqay Saraakiisha AMISOM inay dejiyaan Istaraatijiyada loogu guuleysan lahaa Hawlgalladda La-dagaalanka Alshabaab iyo soo-celinta Ammaanka Guud ee Somalia.
©Radio Dalsan