Saraakiil loo heysto xatooyo xoolo dadweyne oo loo gudbiyay Maxkamadda G/Banaadir

Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay Eedda saraakiil ka tirsan Hey’adda socdaalka iyo Jinsiyadda, Xafiiska Hanti-dhowrga guud ee Qaranka iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Bayaan ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa lagu sheegay in saraakiishan loo heysto lunsasho, xatooyo xoolo dadweyne iyo been abuurka dukumiintiyo dowladeed, ayna yihiin maqanayaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay magacyada dhowr ah qof oo saraakiil dowladeed ah, kuwaas oo ku eedeysan musuqmaasuq,  Dhammaantoodna aysan dalka ku sugneyn.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa dhowaanahanba ku howlanaa soo gudbinaya mas’uuliyiin ku eedeysan musuq maasuq iyadoo qaarkood maxkamad lasoo taagay halka kuwo kalana ay yihiin dibad joog la doon doonayo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor

Leave a Reply