Saraakiil Kenyaan ah oo lagu eedeeyay inay Fududeeyeen Weerar Al-shabaab Sanad ka hor ay ka geesteen Dalkaasi

Taliyaha waaxda adeega dadweynaha Kenya, Joseph Kinyua, ayaa shegay in qaar kamid ah saraakiisha ciidanka Boliiska  Kenya ee ku sugan xuduuda wadamada soomaaliya iyo Kenya in ay fududeeyeen sanadkii lasoo dhaafay weraradii Al Shabab ay ka geyteen dalka Kenya.

Waxaa uu carabka ku dhuftay in dhanka Magalada Mobmasa ay kasoo gudbeen ragii werarada ka geystay dalkasi Sanadkii 2014.

Booliska Dalka Kenya ayaa sheegay in weeraradii Al Shabab ee sanadkii 2014, ay ku geeriyoodeen 173 ruux, oo dhamaantoda iskugu jira qeybaha kala duwan ee bulshada.

dhimashada werarada xagjirnimada quseya, ee dalkasi ka dhacay sanadkii 2014, ayaa labada jibaar ka badan sanadkii 2013, waxaana sidoo kale ku jiray sanadkaasi weerarkii lagu qabsaday Xaruunta loo tukaameysi tago ee Nairobi, westgate Mall.

Booliska kenya, ayaa waxaa ay dhanka kale sheegeen in 312 ruux ay Xarakada Al Shabab, ay dalkaasi ku dileen tan iyo sanadkii 2012, halka ay dhaawaceen 779 ruux.

Al Shabab ayaa sanadkii aan kasoo gudubnay weeraro xog badan ka fulisay gudaha dalka Kenya kaasoo dhaliyay qasaare aad ufarabadan.

Sidoo kale ciidanka ayaa isla sanadkaasi gacanta ku dhigay gaar ahaan bishii March, lix grenades, 270 oo xabadood oo ah nooca AK-, Bambaanooyin cabirkooda lagu qiyaasay 10kg, iyo Telephone, kuwaasoo ay shegeen in la damacsanaa in weraro lagu fuliyo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor