Saraakiil ka tirsan Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM oo isku dilay Muqdisho

Gaashaanle  Aaron Kitakure oo ka tirsanaa Ciiddanka Uganda ee Hawkgalka AMISOM ayaa la sheegay inuu dilay Haweeney uu saaxiib la ahaa, oo ay ka wada tirsanaayeen Askarta Uganda ee ku sugan Somalia.

Wargeyska The Monitor ee ka soo baxa magaalladda Kampala ayaa qoray inuu Sarkaalkaasi dilay saaxiibtiisa, kadibna uu isagana is-khaarijiyey, waxaana la sheegay inay ahaayeen Lammaanayaal saaxiibo ah oo uu ka dhexeeyey  xiriir jacayl .

Dilkaasi ayaa la sheegay inuu maalintii Axadda ee la soo dhaafay ka dhacay Saldhig ay AMISOM ku leeyihiin magaalladda Muqdisho, mana kala cadda sababaha ay  Sarkaalkaasi iyo saaxiibtiisa isku qoonsadeen.

Afhayeenka Ciiddanka Uganda, Gaashaanle-sare Paddy Ankunda ayaa xaqiijiyey inay Lammaanahaasi oo Saraakiil ahaa geeriyoodeen, isla markaana la bilaabay baaritaano.

“Waa run inay labadooda geeriyoodeen, waxaana haatan socda baaritaano, mana bixin karo faahfaahin dheeraad ilaa laga soo dhamaystirayo Baaritaankaasi” ayuu ku gaabsaday Afhayeenka Ciiddanka Uganda.

Ilaa 8,000 oo Askar Ugandhese ah ayaa qeyb ka ah Hawlgalka AMISOM, waxayna Ciiddankaasi dagaal kula jiraan Xarakadda Alshabaab tan iyo sannadkii 2007-dii.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor