Diyaaradaha Dagaalka ee Yuhuudda ayaa la sheegay inay saqdii xalay dhowr Gantaal  la  dhaceen Dhismo ku yaalla Deegaanka Jaramaana ee duleedka magaalladda Dimishiq.
Wararku waxay sheegayaanin duqeyntaasi lagu dilay Muwaadin u dhashay dalka Lubnaan oo lagu magacaabo Samiir Kantar.
Nin la dhashay Samiir oo lagu magacaabo Basaam Kantaar ayaa xaqiijiyey geerida Walaalkiisa.
Qoraal kooban oo uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu ku shaaciyey dilkaasi, balse faahfaahin dheeraad kama bixinin.
Telefishinka Dowladda Syria waxa uu shaaciyey inay dhowr qof ku geeriyoodeen qaraxaasi, halka kuwa kalena ku dhaawacmeen.
Telefishinka Almanaar ee ay leeyihiin Ururka Xisbullaahi Lubnaan waxay xaqiijiyeen inuu Samir Kantar ka mid ahaa 8 qof o olagu dilay duqeyntaasi
Dowladda Yuhuudda waxay ku eedeysaa Samiir Qantar inuu mas’uul ka ahaa weerar lagu dilay 4 Yuhuudi ah sannadkii 1979-kii.
Samiir Qataar waxay Yuhuudda sii daayeen sannadkii 2008-dii, kadib, markii uu dhacay Heshiis ay Yuhuudda iyo Ururka Xibullaahi isku dhaafsadeen maxaabiis sannadkii 2008-dii.
©Radio Dalsan   Â