Safiirka cusub ee Itoobiya oo Dhambaal soo gaarsiiyay Guddoomiye Cabdi Xaashi

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Mukhtaar Maxamed Ware.

Danjiraha ayaa guddoomiyaha la wadaagay dhambaal salaan ah oo uu ka waday Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Itoobiya, iyagoo sidoo kale kawada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Safiirka cusub ee Dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Mukhtaar Maxamed Ware ayaa Guddoomiye Cabdi Xaashi uga mahadceliyay sida uu xafiiskiisa ugu soo dhaweeyay, isagoona sheegay inuu ka shaqeynayo xoojinta xiriirka labada dal.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor