Safiirka Cusub ee Dowladda Qatar oo Waraaqaha aqoonsiga laga Guddoomay

Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliye Abshir Omar Jama – Huruse ayaa waraaqaha aqoonsiga ka gudoomay Safiirka Cusub ee dalka Qatar.

Dowladda Qatar aya Soomaaliya u soo magacaabatay Dr Abdullah Salem Nasser Al Holi Al Nuaimi in uu u noqdo Safiirka Cusub ee Soomaaliya u fahdindoona.

“Waxaan nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay safiirka cusub ee dalka Qatar u fadhin doona dalkeena Soomaaliya, H.E. Dr Abdullah Salem Nasser Al Holi Al Nuaimi. Waxaan u rajeyn Safiirka cusub inuu ku guuleysto xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya labada dawladood ee walaalaha ah” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Dr Abdullah Salem Nasser Al Holi Al Nuaimi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor