Qoraa ka tirsan Wakaalladda Wararka ee AP oo lagu magacaabo Suzan Frazer kuna sugan caasimadda dalka Turkiga ee Ankara ayaa qortay Maqaal ay kaga hadashay Noloshii ninka isku qarxiyey Daallo Airlines ee  Abdullaahi Abdisalam Borleh , halka uu ka yimid, waxa uu ahaa qorshaha Safarkiisa iyo sida ay Sirdoonka Somaliland isha ugu hayeen Dhaqdhaqaaqiisa intii uu Macallimka Dugsiga Qur’aanka ka ahaa magaalladda Hargeysa.
AP waxay qortay inuu Sarkaal ka tirsan Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Dowladda Federalka Somalia u sheegay inuu Abdullaahi Abdisalam Borleh helay Fiiso uu La-taliye ahaan kaga shaqeysan karo Safaaradda Somalia ku leedahay dalka Turkiga.
Wakaalladda AP waxay tilmaamtay inay heleen Nuqul ka mid ah Warqad la sheegay inay Safaaradda Somalia ee ku taalla caasimadda dalka Turkiga ee Ankara u soo dirtay Safaaradda Turkiga ku leeyihiin magaalladda Muqdisho, oo looga codsaday inay u fududeeyaan Fiisaha Abdullaahi Abdisalam Borleh oo La-taliye u noqonaya Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Maalgashiga “An Advisor to the Minister of Foreign Affairs and Investment Promotions.â€, waa sida ay AP hadalka u dhigtay.
Dhinaca kale, Safaaradda Somalia ee magaalladda Ankara oo la hadlay Wakaalladda AP , waxay  ku sheegeen inaysan marnaba Codsi noocaasi ah u direen Safaaradda Turkiga ee Muqdisho, kana dalbanin in Ninkii isku qarxiyey Diyaaradda Daallo Airlines ee  Abdullaahi Abdisalam Borleh loo fududeeyo Fiisaha Dal-ku-galka Turkiga.
Hadal ka soo baxay Safaaradda Somalia ee Turkiga, waxay Qoraalkaasi ku sheegeen mid la been abuuray.
Sidoo kale, Wakaalladda Wararka AP waxay tilmaamtay inay la xiriireen Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Maalgashiga ee Dowladda Federalka, Abdisalam Omar Hadliye iyo Safaaradda Turkiga ee Muqdisho, balse ay ka  wada gaabsadeen inay ka hadlaan arrimahaasi.
Waxaa suurtogal ah inay Alshabaab warqadaasi si khiyaano leh u qoreen, kadibna loo diray Safaaradda Turkiga ku leedahay Muqdisho, sidaasina ay Safaraadda Turkishka ku bixisay Fiisaha la siiyey Ninkii isku qarxiyey Diyaaradad Daallo Airlines.
Fiisaha uu helay Ninkaasi ayaa fure u noqotay inuu raaco Duullimaadka Daallo Airlines, inkasta oo uu haystay Tikidhka Diyaaradda Turkish Airlines oo iyadu aan wax Duullimaad ah ku imaanin Muqdisho.
Xarakadda Alshabaab ayaa sheegatay inay ka dambeeyeen qarixii Diyaaradda Daallo Airlines, inkastoo aysan Alshabaab soo hadal-qaadin magaca  ninka lagu tuhunsan yahay inuu qaraxaasi geystay ee la oran jirey Abdullaahi Abdisalam Borleh.
Xigasho: AP