Saddax Ra,isalwasare ayuu New Deal ka marayaa wey adagtahay miro dhalkiisa

Maxamed Maxamuud Nuuur Caalim oo ah Diplomacy  Somaliyeed dawlada Filand kala taliyo Arimaha Somaliya oo lahadlay idacada Dalsan xaruunteda dhexe ee M/M ayaa shegay in Siyasada dalka xilligan Qaloocantahay taas oo ay ugu wacantahay buu yiri  madaxda dalka Hoganka xilligan haya, isago Tilmaamay  in xitaa aysan bulshada dareensii Karin dawladnimada

Hayeeshee aqoonyahankaas ayaa dhibatada ugu badan ku tilmaamay oo dawlada siyaasadeeda ku Jahwareersantahay xil ka qaadistii  lawadii Ra,isalwasaare ay Baarlamnku eriyeen balse ay Adagtahay Buu yiri in ay dawlada ka soo kabsato

Caalim oo hadalkiisa sii wato ayaa shegay hadii an cadaalad lahelin in aan waxba laga qaban Karin Daruufaha adag xilligan dalka uu wajahayo

Diplomasigaas ayaa diidmada kaqeybgalka shirka caalamiga ee barito kafurmayo muqdisho oo Ay Qaadaceen  maaamulada puntland iyo Jubbaland ku micneeyay in aan lagala tashan shirkaas Balse lagu Wargaliyay goor dambe markii xeero iyo fandhal ay kala dhaceen

Ugu dambeyn Siyaasiga Caalim ayaa carabka ku dhuftay inay adkaan doonto in xukuumada Sharmaarke Ay waqtiga dhameysato

Halkan Ka dhageyso wareysiga Diplomacy   Maxamed Maxamuud Nuuur Caalim

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor