Sacuudiga oo dib u soo celiyey xoolo Soomaaliya laga dhoofiyey

Caadiyan marka uu soo dhowaado mowsimka xajka, Soomaaliya waxaa laga dhoofiya xoolo aad u fara badan, kuwaasoo loo dhoofiyo dalka Sacuudiga.

Hase yeeshee laba maalmood ka hor, waxaa Sacuudiga laga soo celiyey markab siday xoolo dhawaan la dhoofiyey oo lagu qiyaasay ilaa 30 kun oo neef, sida laga soo xigtay ganacsato Soomaali ah.

Markabkii xoolaha qaaday oo la soo celiyey ayaa la filayaa inuu ilaa Sabtida ku soo xirto dekadda Bossaaso.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa ayadoo ay Soomaaliya la safatay dalka Sacuudiga oo xurguf diblomaasiyadeed ay soo kala dhex gashay iyaga iyo Canada.

Wasiirka xanaanada xoolaha ee Puntland Cabdullaahi Sheekh Axmed ayaa xaqiijiyey soo celinta xoolahaas,waxaana uu sheegay in ay baaris ku hayaan sababtii ay u soo celiyeen

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media