Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa Safar uu Magalada Washington ku tagay Wiilka uu dhalayย Jamaal Khashoggi.
Wakaalladda Wararka ee REUTERS oo soo xigatay ehelo ku dhow Qoyska Jamaal Khashoggi ayaa baahisay in Saalax Jamaal oo ah curudka Saxafigii la dilay uu xalay (Arbaco) ka dhoofay Sacuudiga oo u ambabaxay Maraykanka.
Saalax Jamaal Khashoggi oo dhalashada Maraykanka haysta ayaa muddo ku xanibnaa Sacuudiga, iyadoo lagu soo rogay xayiraad dhanka Safarka.
Dhinaca kale, Telefishinka Aljazeera ayaa xaqiijiyey in Saalax J. Khashoggi iyo Qoyskiisa ku sugnaa Sacuudiga u ambabaxeenย Maraykanka.
Si kastaba ha ahaatee, Warbaahinta Sacuudiga Kama hadlin safarka Qoyska Jamaal Khashoggi.