R/wasaare Cumar C/rashiid hooyadiis oo geeriyootay.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Idaacada Dalsana ayaa sheegaya in maanta R/wasaare Cumar C/rashiid hooyadiis ay ku geeriyootay dalka Canada taas oo mudooyin kii dambe halkaas ku xanuun saneyse.

Marxuumad Ruqiyo Macalin Daahir ayaa la tilmaamay in ay ku geeriyootay da’da 90-shamaadka waxaana mudo badan ay ku nooleyd dalkaas.

Qaar kamida xubnaha golaha wasiirada ee Somalia ayaa R/wasaaraha ugu tacsiyeey geerida ku timid hooyadiis iyagoona Alle uga baryay in uu janadii firdowso ka waraabiyo.

INAA LILAAH WA INAA ILEYHI RAAJICUUN.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor